Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Racfaanka.

Published: May 15, 2020

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Soomaaliya ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, kadib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir loogu magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, waxaana xilkaas laga qaaday Garyaqaan Muuse Macalin Maxamed oo soo hayey tan iyo bishii Luuliyo ee 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxaa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Xilkan ayaa horey u hayey Garyaqaan Abshir Cumar C/llaahi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, sidoo kalena si cadaalad ah ay ugu adeegaan dadka shacabka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *