Madaxweyne Farmaajo Oo Shir Degdeg Ah Isugu Yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Published: January 30, 2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa Shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleeyada dalka iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu shaaciyay shirka uu Madaxeeyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada, xili Shirkii ay ku baaqeen maamulada Jubbaland iyo Puntland uu baaqday.

Hoos ka akhri qoraalka Villa Somalia soo saartey.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021.

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *