Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis iyo magacaabis cusub sameeyay.

Published: August 16, 2018

Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu sameeyay isku shaandhayn balaaran kuwaas oo xilkii looga qaaday saraakiil ka tirsan ciidamada xooga iyo booliska sidoo kale waxaa la magaacabay hogaamiyayaashii bedeli lahaa, dhanka kale digreetada madaxweyne Farmaajo waxaa xilkii looga qaaday saraakii la katirsan madaxtooyada oo uu ku jiro agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasin oo lo bedelay Hay’ada nabad sugida ee Nisa, digreetada madaxweynuhu soo saaray ayaa sidaan u qoran.

  1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

2. S/Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa isla markaasna loo magacaabay Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

  1. S/Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  2. G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waxaa laga qaaday xilkii K/Xigeennimada Agaasimaha Guud ee Hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  3. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/08/2018 waxa uu Madaxweynahu u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
  4. S/Guuto Siciid Axmed Kadiye ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
  5. G/Sare Zakia Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay S/Guuto ayaa loo magacaabay Taliye K/Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
  6. G/Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan masuuliyiinta la magacaabay in ay si hufan uga soo dhalaalaan shaqooyinka loo igmaday.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *