Madaxweyne Faroole iyo wefdi uu horkacayo oo London u duulay

Published: February 19, 2012

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa shalay gelinkii danbe ka dhoofay wefdi Puntland ka socda oo uu horkacayo madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

Wefdiga madaxweynaha oo socdaalkoodu uu ku wajahan yahay magaala-madaxda dalka Britain ee London ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland kuwaasoo ay kamid yihiin wasiirada arimaha gudaha, waxbarashada, iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cabdisamed Cali Shire, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, iyo xubno kale oo ka tirsan goleyaasha wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa wefdiga Dr Faroole sii saagootiyey.

Ujeedada socdaalka ay wefdiga Puntland London ugu kicitimeen ayaa ah sidii a uga qab geli lahaayeen shirka xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya looga arinsanayo ee loo qabanayo dhinacyada ku jira Siyaasadda Soomaaliya, ayna kasoo qayb gelayaan in badna oo kamid ah wadamada daneeya Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa shalay magaalada Garoowe ka dhoofay inta badan madaxdii ka qayb galay shirkii Garoowe-2, wuxuuna garoonka diyaaradaha ee Garoowe noqday mid aad mashquul u ah oo ay diyaarado badani kasoo degayeen qaar kalena ka duuleen.

Wufiiddii shirka kuwooda aan weli Garoowe ka tegin ayaa la filayaa inay maanta ka dhoofaan, waxaana kamid ah afhayeenka Baarlamaanka FKMG ah Shiriif Xasan Shiikh Aadan oo isaga iyo wefdi uu horakacayaa ay saacadaha soo socda Garoowe ka amba bixi doonaan.

Shirka London oo xiligii loo balamay ay 3-beri inaka xigaan waxaa ka qayb gelaya madaxda Soomaalida, QM, iyo kudhowaad 50 madaxweyne dunida ka socda, waxaana waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu gorfeyn doono kamid ah sidii dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn ee Soomaaliya xal waara loogu heli lahaa.

 

Horseed Media