Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Mahadaay

Published: November 16, 2023

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo  gaaray degmada Mahadaay ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada oo ay saameeyeen roobab iyo fatahaadaha ku dhuftay Degmada Mahadaay.

Madaxweynaha oo kormeer socod ah ku maray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada Mahadaay ayaa u kuurgalay xaalada dhabta ee ka jirta Degmada oo inta badan xaafadaha looga barakacay roobabka da’aya iyo fatahaada wabiga shabeelle.

Madaxweynaha oo booqashadiisa ay ku wehliyeen Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada, Wasiir Ku Xigeenka Beeraha iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ugu baaqay bulshada Hirshabeelle inay isu gargaaraan isagoo deeq gargaar ah gaarsiiyay shacabka ku dhibaateysan Degmada Mahadaay.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday roobabka iyo fatahaadaha ka jira Magaalada Beledweyne isagoo tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto halkaas loona baahan yahay in gurmad iyo garab istaag loo sameeyo bulshada beledweyne oo guud ahaan uu saameeyay daadadka iyo fatahaada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in boqolaal qoys ay hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadka iyo Fatahaada Wabiga Shabeele, isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in usoo gurmadaan shacabka la daala dhacaya musiibada fatahaadaha ah.