Madaxweyne Guudlaawe oo kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ee Beledweyne

Published: October 7, 2022
Shares20

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii Al-shabaab ee Magaalada Beledweyne. 

Kormeerka Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Masuuliyiinta ayaa kormeerkooda ugu kuurgalay qasaaraha baahsan ee u geystay qaraxyada Al-shabaab ka geysteen 3dii bishaan Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa kormeer iyo indho indheyn ku tagay xarunta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu ka soo gaaray weeraradaas.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay usoo gurmadaan dadka masaakiinta ee hantidoodu ay ku burburtay qaraxyadaas argagixiso.

Horseed Media