Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo Garoowe Lagu Soo Dhoweeyey

Published: January 13, 2024

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa manta booqasho ku tagay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland

Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir kusoo dhoweeyey dhigiisa Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor, madaxda goleyaasha dowladda iyo masuuliyiin kale.

afarka Madaxweyne Cali Ciid ayaa daarnaa sii xoojinta Iskaashiga Dhanka Amniga ee u dhexeeya Dowladaha Puntland iyo Galmudug iyo sido kale ka qayb galka Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Horseed Media