Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo dib ugu soo laabtay Jowhar kadib safar shaqo oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho

Published: July 16, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimada Jowhar kadib safar shaqo oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Mahad Xasan Cusmaan xubnaha labada gole ee Maamulka, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa warbixin ka siiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe waxa uga qabsoomay socdaalkii shaqo ee uu ku tagay Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa kormeeray xafiisyada ay ku shaqeeyaan agaasinka waaxyaha Madaxtooyada oo uu ku dhiiragaliyay inay dardargaliyaan shaqada adag oo ay u hayaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *