Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dowladda Soomaaliya kala hadlay abaarta ka jirt Puntland

Published: March 4, 2017

Madaxweyne ku xigeenka Puntland-Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi farmaajo, kulankaasi oo ak dhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay abaarta ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Puntland iyo sidii gurmad loogu heli lahaa bulshada abaarta saameysay

Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa shegay in abaar baaxadaleh ee ka jirta dhammaan deegaanada Puntland, waxaana uu si qoto dheer uga xog waramay saameynta ay ku yeelatay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan degaanada Puntland.

Mudane Cabdixakiin Camey ayaa u sheegay madaxweynaha Soomaaliya in ay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ugu danbayn, Mudane Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland Alle uga baryey inuu ka dulqaado abaarta saamaysay dad iyo duunyoba isla markaana uu Alle ugu bedelo raxmadiisa

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *