Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Agaasimaha guud ee w/Kalluumaysiga XFS iyo Saraakiil ka socotay World Bank

Published: February 27, 2022

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta qaabilay Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Cabdullaahi iyo Saraakiil ka socday Bangiga Adduunka (World Bank).

Kulanka ayaa looga hadlay baahiyaha Kalluumaysatada Puntland iyo qorshaynta mashruuc 50 milyan oo doollar ku kacaya oo markii ugu horreysay Bangiga Adduunku si toos ah ugu taageerayo Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Kalluumaysiga Puntland, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Puntland iyo Saraakiil kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *