Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo gaaray deegaanka Tukaraq

Published: January 22, 2018

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Tukarraq ee Gobolka Sool, halkaas oo dhowaan ay qabsadeen Ciidanka Somaliland.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa ka soo amba baxay Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, iyadoo ay booqdeen xarumaha iyo fariisimaha Ciidanka Somaliland ka sameysteen deegaanka Tukaraq.

Booqashada Madaxweyne Ku xigeenka uu u ku tagey Tukaraq ayaa ahayd mid aan la fileyn, waxaana wararka sheegayaan in deegaanka laga dareemayo xaalad dagaal.

Puntladn ayaa wada abaabul Ciidan oo ay ku doonayso in dib ay ugala wareegaan Ciidanka Somaliland Deegaanka Tukaraq iyo guud ahaan Gobolka Sool.

Deegaanka Tukaraq ayaa 70KM u jira Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *