Madaxweynihii 2aad Ee Puntland Oo Geeriyooday

Published: July 12, 2020

Alle ha u naxariiste Maxamed Cabdi Xaashi madaxweynihii labaad ee Puntland ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuunka oo ka mid ahaa aas’aasayaashii Puntland waxaana uu noqdey Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey ee Puntland yeelato, sidoo kale waxa uu noqdey Madaxweynaha Puntland, kadib markii madaxweynihii Puntland loo doortey in uu noqdo Madaxdweynaha Dowladda Federaalka. Rabbi ha u naxariistee Xaashi ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey magaalada Nairobi, halkaas oo uu ugu dambayn ku xijaabtay.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Maxamed Cabdi Xaashi wuxuuna alle uga baryey inuu janooyinkiisa ka waraabiyo, sida ay baahisay madaxtooyada Puntland.

“Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooada Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *