Madaxweyne ku-xigeenkii baarlamanka Midowga Yurub Eva Kaili oo xilka laga qaaday

Published: December 13, 2022

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xiriira fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto Qatar.

Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey inay xilkeeda lumiso Kaili, waxa ayn ka mid tahay lix qof oo ay xireen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan musuq-maasuq.

Fadeexaddan ayaa la xiriirta in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka, eedeymahaas oo ay beenisay.

Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka.

Qatar waa ay beenisay inay wax khalad ah sameysay.

Dhowr dal oo Midowga Yurub ka mid ah oo uu ku jiro Jarmalka, ayaa sheegay in sumcadda 27-ka waddan ee Midowga ay halis ku jirto.

Horseed Media