Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo daahfuray Carwada Tiknoolojiyadda Puntland 2025

2 days ago

Dowladda Puntland oo sheegtay inay kor u qaadayso horumarinta Tiknoolojiyadda 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta magaalada Garoowe ka daahfuray Carwada Tiknoolojiyadda Puntland, taasi oo socon doonta muddo seddex beri ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku booriyay shacabka iyo hal-abuurada inay ka faa’iideystaan fursadaha tiknoolojiyadda casriga ah ee carwadan lagu soo bandhigayo.

“Waxa aan bandhiggan u qabanay in aan ka daba tagno caalamka na dhaafay, kuwa aan ka horreynona dhiirrigelinno, tiknoolajiyaddu waa nolosheenna waxana aan saddexda beri idiin soo bandhigeynaa wax kasta oo tiknoolajiyadda horumarkeenna ah.” ayuu yiri; Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta DPL Maxamuud Caydiid.

Carwadan oo ay ka qeybgalayaan shirkado, hal-abuurro, iyo masuuliyiin heer sare ah, ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo horumarin lahaa tiknoolojiyadda Puntland, loona dhiirrigelin lahaa hal-abuurka casriga ah.

Horseed Media