Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Ka qayb galay bannaan bax Roobdoon oo ka dhacay Garowe-Sawiro

Published: March 16, 2017

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey ayaa Magaalada Garoowe ee Casimada Puntland kaga qayb galay bannaan bax .

Banaanbaxa Alle lagu waydiisanaayey Raxmadiisa ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, shacabka iyo waxgaradka Caasimada Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay goobta Alle lagu waydiisanaayey raxmadiisa ayaa waxa uu dhammaan dad weynaha reer Puntland ku booriyey kuna waniyey inay is cafiyaan isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo ku keenaya alleh ka fogaansho.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Cumar camay ayaa waxa uu Alle ka baryey in uu abaarta ka dulqaado umadiisa uguna bedelo raxmadiisa, isla markaana Allaha raxmaanka ahi uu ka aqbalo ducada iyo rabitaanka umadiisa ee ay saamaynta ku yeelatay abaartu.

Isimada, Culimada, aqoon yahanka iyo waxgarad kale oo ka hadlay madasha roobdoonta ayaa dhankooda alle ka baryey inuu abaarta ka saaro ummadiisa uguna bedelo aaran iyo raxmad ay ku ilaawaan abaarta baaxadale ee saamaysay dad iyo duunyoba.

Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ku booriyey shacabka Puntland meel kastay joogaan inay u istaagaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen caawinta dadkooda, isla mar`ahaantaana ay si buuxda qayb uga noqdaan gurmadka lagu caawinayo Ummada Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *