Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Raysal Wasaarihii Hore

Published: October 8, 2020

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan goleyaasha dowladda ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle naxariistii Janno haka waraabiyee raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.

Waxa uu alle “SWC” uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, jannatul Fardawsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Allaha
    ha u naxariisto marxuumka. Dembigiisan Allah’s dhaafo.
    Ehelkii uu ka baxey Samir iyo iimaan Allah’s ka siiyo. Gaar ahaan Maryann Abdi bihi iyo ilmo Ali Khalif.