Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Soo Xiray Shirkii Waxkabadalka Sharciga Law Number-7

Published: October 27, 2020

Ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta soo xiray shirka soo bandhigidda waxbadalka aragtiyaha Dowladahaha hoose ee sharciga Law Number-7 qorshaha fog ee Machadka Dowladaha Hoose iyo xojinta Xiriirka iyo wadashaqaynta gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Shirka Waxaa kasoo qeyb galay qaarkamida gudoomiyaasha degmooyinka, gobaladda, xoghayaasha dowladdaha hoose, iskuduwayaasha gobalada, masuuliyiin ka socday machadka dowladdaha hoose, Wasiiro, iyo madaxda wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.

Gabagabadi shirka ayaa waxa kasoo baxay war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob:

  1. Fullinta nuqulka cusub ee sharciga Dowladdaha hoose law lambar-7 iyo daadajinta Maamul Wanaaga.
  2. Horumarinta maamul baahinta iyo adeegyada lagu wareejinayo Dowladdaha hoose.
  3. Xoojinta hannaanka wada shaqaynta Degmooyinka iyo Goballada Puntland.
  4. tubta Qorshaha maamul baahinta 5 sano ee soo socota laguna sameeyey dib-u eegis si loo waafajiyo sharciga cusub ee Dowladda hoose law Lamber 7.
  5. sida loo hirgalin lahaa nidaamka Dimuquraadiyeynta ee golayaasha deegaanka looguna gogal xaari lahaa loo hirgalinta Doorashooyinka Dimuqurdiyeynta.
  6. samaynta qaab dhismeedka midaysan Dowladdaha hoose ee Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *