Madaxweyne Laftagareen & Mucaaradka Koonfur Galbeed oo heshiis wada gaaray

Published: February 5, 2023
Shares2

Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Koonfur Galbeed waxaa lagu soo geba gebeeyey shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Dhinacyadii shirkaas ka qayb galay ay isku raaceen in soo xulista xildhibaannada ay sameeyaan odayaasha dhaqanku dhammaadka sanadkan.

Dhinacyada ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen ayada oo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis.

Sidoo kale waxaa isla lagu heshiiyey in doorashada guddoonka iyo tan madaxweynahana la qabto bisha Januaary ee sanadka soo socda ee 2024.

Horseed Media