Madaxweyne Laftagareen Oo Gaaray Dhuusamareeb

Published: February 1, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweyne Laftagareen iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug.

Maanta oo ay tahay 01/02/2021 ayaa lagu wadaa inuu Dhuusamareeb ka furmo shir degdeg ah oo wadatashi, kaasi oo uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *