Madaxweyne Laftagareen oo go’aan kasoo saaray weerarkii Guriga Siyaasi Fargeeti

Published: January 22, 2023
Shares70

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa go’aan kasoo saartay weerarkii dhawaan ka dhacday Guriga Siyaasi Maxamed Aadan Fargeeti.

Qaraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa looga hadlay go’aanka laga qaatay Askartii la sheegay in ay ka qeyb galeen weerarkaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in uu Madaxweyne Laftagareen cafis u fidiyey Askartii ka qeyb qaadatay Shaqaqadii ka Dhacday Magaalada Baydhabo.

“Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis u fidiyey Askartii dhowaan ka qeyb qaadatay Shaqaqadii ka Dhacday Magaalada Baydhabo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Horseed Media