Madaxweyne Laftagareen oo ku baaqay in guluf laga bilaabo Gobolka Shabellaha Hoose

Published: November 16, 2022
Shares68

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ku sugan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ciidamada iyo dadka deegaankuba ugu baaqay inay gobolka ka bilaabaan hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, si lamid ah gobolada kale ee dalka.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlayay degmadaasi ayaa dadka deegaanka ugu yeeray inay door muuqdo ku yeeshaan hawlgalada ay tahay in Al-Shabaabka looga saaro deegaanada ay baaqiga kaga yihiin gobolkaasi.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ku goodiyay inaanan hadda ka dib Al-Shabaab looga hari doonin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Deegaanno badan oo katirsan Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed waxaa ka arimiya Ururka Al-shabaab, marka laga soo tago Hirshabelle iyo Galmudug.

Horseed Media