Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Published: April 28, 2024

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Souef Mohamed ayaa kulankooda laisaga Xog-waraystay Amniga Guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee Atmis.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiiro, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Horseed Media