Madaxweyne Laftagareen Oo Lagu Soo Dhoweeyey Degmada Buur-Hakaba

Published: August 7, 2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tagey degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

Wasiiro, xildhibaano, maamulka degmada, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa wafdiga madaxweynaha kusoo dhoweyey degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Buur-hakaba waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Horseed Media