Madaxweyne Laftagareen Oo Wajiga 2aad ee Hawgalka Xoraynta Ka Bilaabay G/Baay

Published: October 28, 2023

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiirka Qorshaynta iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa halkaas si heer sare leh ugu soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada Diinsoor.

Safarka Madaxweyne Laftagareen ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta iyo wax ka qabashada Baahiyaha ka jira Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Horseed Media