Madaxweyne Laftagareen oo Waxgaradka DDS kala hadlay wada shaqaynta Is dhexgalka Bulshada

Published: August 9, 2022
Shares144

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar shaqa ku jooga Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha oo kulanka Odeyaasha ay ku wehlinayeen Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar,Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kulankooda diirada ku saaray iskaashiga Amni labada Shacab Taageerida Ciidanka ka qeyb qaadanaya La Dagaalanka Argigixisada Alshabaab iyo ka wada shaqaynta Is dhexgalka Bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida uga Mahadceliyey Soo dhoweyntooda Walaalnimo iyo sida ay uga goantahay Xoojinta ka wada shaqaynta Xaqiijinta Amniga Labada Xuduudood.

Kulanka kadib Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Booqday Jaamacada Jigjiga isagoona Madaxweyne Mustafe Cagjar kala hadlay Hormarinta Waxbarashada Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa Madaxweyne Laftagareen ubalan qaaday in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kala shaqayn doono Hormarinta Waxbarashada iyo Xaqiijinta Amniga waxaana uu Sheegey in Ardayda Waxbarashada Koonfur Galbeed ugu Deeqay Deeq Waxbarasho oo Lacag la,aan ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *