Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sheegay inaysan Somaliland duqeynin Laascaanood

Published: February 16, 2023

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dagaalkii Magaalada Laascaanood ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ayaa ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalladii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale Madaxweyanaha Somaliland waxa uu sheegay in aan laga fileyn in wixii Siyaad barre uu ku sameeyay Magaalada Hargeysa in uu ku sameeyo magaalo kale.

“Anagu sidii Siyaad Barre magaalada ma aanan duqeynin, umana doonayno in aan u duqeyno, mana nihin ciidamo cadow ah, sidii Kacaanka oo dalkooda gumaadaya, dulqaad iyo tudhaale bay sameynayaan ciidamadu, mar kasta waa lasoo weerarayaa oo xabad ku socotaa, ciidamadu walina wey dulqaadanayaan, weyna u turayaan dadkoodii”.

Madaxweyne Muuse sidoo kale waxa uu sheegay inay sabtida soo socota ay isimo u dirayaan magaalada Yagoori si wada hadal looga yeesho xaalada gobolka Sool.

“Isimo aan dirnay ayaa Sabtida tagaya magaalada Yagoori, inkastoo ay jiraan kooxo Isimo ah oo halkan jooga oo sharuudo wata, mase ka yeelayno sharuudahooda, Yagoori-halkaas ayuu shirku ka furmayaa, Isbitaalka Yagoori ayaa lagu shirayaa oo lagu wada hadlayaa- amniga waxaa sugaya ciidamada Garaadada la socda, waxaan ku niri’i Isimada Laascaanood taga oo calamo-cad qaata, haddii aad dhimataan wiilasheenaba waa dhimanayeen”.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo aadaya xilli dagaalka Laascaanood uu galay asbuucii labaad inkastoo uu hadda ka qaboobay sidii hore.

Horseed Media