Madaxweyne Muuse Biixi oo shaaciyey xilliga la diiwaan-gelinayo cod-bixiyeyaasha doorashooyinka

Published: December 11, 2022

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay waqtiga rasmiga ah ee ay bilaabaneyso  Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Xeer uu soo saaray ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Xeerkan ayaa lagu sheegay inu Madaxweyne Muuse Biixi uu go’aamiyey in Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto deegaanada Somaliland maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.

Doorashada Somaliland waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan qabsoomiddeeda iyadoo la soo dhaafay muddo xileedkii Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Horseed Media