Madaxweyne Qoor-qoor Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Xildhibaan Ka Tirsan Galmudug

Published: July 28, 2020

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf (Galti) oo ka tirsanaa baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanka oo ku xanuunsaday mid kamid cisbitaalada magaalada Muqdisho ayaa ugu dambayn halkaas ku geeriyooday, waxaana geeridiisa xaqiijiyey gudoonka baarlamaanka Galmudug.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug ayaa looga tacsiyeey xildhibaanka geeriyooday oo kamid ahaa mudanaayaashii 2aad ee baarlamanka Galmudug.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelada uu ka baxay Allaha U Naxariistee Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf “Galti” xildhibaanka wuxuu kamid ahaa mudanayaashii Baarlamanka 2-aad ee Galmudug” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *