Madaxweyne Qoor-qoor oo la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Published: September 23, 2024

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Dhuusamarreeb.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka.

Horseed Media