Madaxweyne Qoor-qoor Oo La Kulmay Wakiilada Midowga Yurub

Published: May 26, 2021

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Danjire Nicolas Barlenge ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub u sii ballaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan deegaanada Maamulkaas.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada dowlad Goboleedka Galmudug.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballan qaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Galmudug, isagoo dhinaca kale sheegay in ay ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib u dhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *