Madaxweyne Qoorqoor oo kormeer ku tagay fariisamaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Xarardheere

Published: January 22, 2023
Shares2

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan ku sugnaa Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa kormeer ku tagay fariisamaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanada hoostaga Degmada Xarardheere. 

Madaxweynaha ayaa ciidamada qalabka sida ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in loo baahan yahay inay ciidamada dardar-geliyaan howlgalada socda.

Kormeerka uu smaeeyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Gaanshaandigga Soomaaliya, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug.

Horseed Media