Madaxweyne Qoorqoor oo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay abaartu saameysay

Published: August 7, 2022
Shares62

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo ka qeyb galay shirwayne diiradda lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha iyo saameynta bini’aadanimo ee ka dhalatay ayaa ka hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay saameysay Abaarta, isagoo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa baaq u diray qeybaha kala duwan ee Bulshada reer Galmudug ee ku sugan dalka iyo dibadiisa, iyo guud ahaan umadda soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan caawinta iyo garab istaagga walaalahood ay abaartu saameysay, iyadoo la saadaalinayo in biyo la’aantu kasii dari karto bilaha soo socda.

Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo marti ku ahaa shirka ayaa sheegay inuu diiradda saarayo sidii loo fududeyn lahaa garmadka loogu tala-galay dadka danta-yar ee reer Galmudug.

Guud ahaan deegaanada Soomaaliya waxaa ka jirta Abaar saameyn xooggan ku yeelatay dadka iyo duunyada, taas oo laga cabsi qabo inay gaarto heerka Macluusha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *