Madaxweyne Qoorqoor oo Soo Dhaweeyay Saraakiisha Dowladda Federaalku u soo Magacowday Galmudug

Published: February 25, 2020

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor ) ayaa xalay casho sharaf Magaalada Dhuusamareeb ugu sameeyay saraakiisha Cusub ee taliska qeybta guud ee Booliiska Galmudug.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd isbarasho, dhiirrigalin iyo dardargalinta arrimaha amniga, iyadoo kulanka uu goobjooge ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed  Sareeye guud cismaan Maxamed Cabdullaahi oo gelinkii dambe ee shalay halkaas gaaray.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa mudnaan gaar ah siinaya sugida amniga isaga oo u maraya dib-u habeynta laamaha amniga si ay awood ugu yeeshaa xaqiijinta nabadgalyada, kala danbeynta iyo hirgalinta sharciga.

Saraakiishan oo ay soo magacowday dowladda Federaalka Somaliya ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye wuxuu kula dardaarmay saraakiisha cusub in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *