Madaxweyne Qoorqoor Oo Soo Xiray Shir Looga Hadlayey Nidaamka Dowladnimada Loo Dhanyahay Ee Galmudug

Published: June 18, 2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray shir muddo laba maalin ah ka socday caasimadda Dhuusamarreeb, oo looga hadlayay sida deegaannada Dowladda Galmudug uu uga hirgalay nidaamka Dowladnimada loo dhanyahay, ayna soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD.

Shirka oo diiradda lagu saaray taabbagelinta nimaadka Dowladnimada loo dhanyahay ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD.

Sidoo kale shirka ayaa labada maalin inta uu socdey waxaa kasoo qeybgalay xildhibanno ka tirsan dowladda Federaalka iyo madax ka socday labada golle ee Galmudug.

Horseed Media