Madaxweyne Shiriif oo dalka dib ugu soo laabtay [Sawiro]

Published: February 26, 2012

Madaxweynaha DKG ah ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo mudo dhowr beri ah dalka ka maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano, iyo dadweyne aad u tira badan ayaa wefdiga madaxweynaha si diiran garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ugu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha oo socod ku maray inta u dhexeysa masjidka Isbahaysiga iyo xarunta madaxtooyada ayaa ugacan haatinayey boqolaal dadweyne ah oo wadada dhinaceeda u safnaa si ay usoo dhoweeyaan.

Mudane Shiriif oo intaas kadib gudaha garoonka Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa ka warbixiyey Shirkii London isagoo sheegay in shirkaasi uu ahaa mid guul kusoo dhamaaday.

Wuxuuna dhinaca kale ciidamada DKG ah iyo xulafadooda ugu hanbalyeeyey guulaha ay ka gaareen Baay iyo Bakool kadib markii ay qabsadeen deegaano badan oo ay horay Shabaabku ugu sugnaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mid ahaa madaxdii ka qayb galay shirkii looga hadlayey arimaha Soomaaliya ee ay dowladda Britain martigelisey wuxuu sidoo kale xusay in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay mid muqaddas ah.

Si kastaba ha ahaatee imaanshaha madaxweyne Shiriif uu dalka dib ugu soo laabtay ayaa kusoo beegmaya xilli Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna shirkii London ka qab galay uu maanta gaarey dalka Denmark.

Horseed Media

┬®Sawirada: RM