Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo markii ugu horreysay gaaray bariga fog ee Puntland

Published: February 18, 2023
Shares6

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari halkaasi siweyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Xaafuun kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Xaafuun.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa inta ku sugan yahay Degmada Xaafuun waxa uu u kuurgeli doonaa xaaladda degmada iyo deegaanada hoostaga.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Madaxweyne Deni uu ku tago tan iyo markii la doortay degmadan oo kamid ah degmooyinka fog ee gobolka Bari.

Horseed Media