Madaxweyne Waare Oo Gudbiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Iyo Xalinta Khilaafaadka

Published: October 25, 2020

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gudbiyay Xubnaha Hirshabeelle ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Xubnaha uu madaxweyne Waare gudbiyay oo afar ah ayaa waxa ay ka mid noqonayaan xubnaha guddiga doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee la filayo in dhowaan ay howlgalaan.

Waxaa la filayaa in dhowaan raysalwasaare Rooble uu wareegto kusoo saaro Xubnaha guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka, waxaana ilaa iyo hadda gudbiyay Xubnaha matalaya Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland & Galmudug, waxaana maamulkii ugu dambeeyey ee gudbiya noqday Maamulka Hir-Shabeelle oo doorashooyin u diyaar garoobaya.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *