Madaxweyne Xaaf " Kheyre haka tago Dhuusamareeb, isaga ayaa wado dhibaatada Galmudug "

Published: January 5, 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda dhxe inay ku fashilantay dhismaha maamulkaasi, sidaasi darteedna uu kalsoonidii ama wilaayadii uu siiyay Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya uu ka noqday.

Wuxuu Sheegay inuu dhibaatada Galmudug wado Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Kheyrana amray inuu isaga baxo magaalada Dhuusamareeb.

“ Maanta waxay mareysaa in odayaashii saxiixayaasha ahaa in awooddii laga qaaday oo kuwo kale la keeno, caawa iyo berrina waxaa la rabaa in odayaashaas laga saxiixo 69-ka xildhibaan ee ka dhiman baarlamaanka Galmudug, markii laga reebo 20-ka Ahlusuna oo iyaga lasoo magacaabay”

ayuu yiri Xaaf.

Sido kale wuxuu ku eedeeyay Kheyre inuu sharciga baalmaray, maadaama uu la wareegay dhamaan awoodihii guddiga khilaafaadka iyo doorashooyinka.

“ Waa nasiib darro in Ra’iisul Wasarihii dalka oo laga rebay cadaaladda iyo u dhaxeynta dadka, inuu isagii inta Dhuusamareeb fariisto uu isku noqdo Guddigii khilaafaadka, guddigii doorashooyinka iyo guud ahaanba isku duba ridaha Galmudug, taasina suurta gal ma aha aniga ayaa madaxweyne ka ah meeshaan wax aan dhiso mooyaane wax ka soo baxayana ma jirto”

ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo halkaasi uu gaaray dhawaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *