Madaxweyne Xasan oo Golaha Wasiirrada KGS kala hadlay dib u heshiisiinta & xoreynta dalka

Published: January 21, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed kaasi oo lagaga arrinsaday dib u heshiisiinta iyo xoreynta deegaannada ay Al-shabaab ku sugan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehelinayo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar  galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo qorshuhu yahay in waqti kooban lagu soo gabagabeeyo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta ka qeyb galay shirkan in ay qaataan masuuliyadda ka saran adkeynta xoraynta deegaanka iyo Ilaalinta wadajirka shacabka si loo helo Koonfur-galbeed xasilloon, heshiis ah, isla markaana xor ka ah ficillada gurracan ee Al-shabaab.

Kulankan waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo Mas’uuliyiin kale.

Horseed Media