Madaxweyne Xasan oo kulan sagootin ah la qaatay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya

Published: March 31, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyaseed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka uu ka qaatay adkaynta xiriirka Labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, isagoo xusay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Dhankiisa, Danjire Fei Shengchao ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan saagootinta ah ee uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, muddada uu ku sugnaa dalkeenna.