Madaxweyne Xasan oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia

Published: November 10, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa maanta kulmay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Hogaamiyayaasha oo ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka wadahadlay xaalada gobalka.

Madaxda Afrika & Carabta ayaa ka qeyb galaya kulamo ka dhacaya Riyadh oo looga hadlayo Falastiin iyo Iskaashiga Afrika & dalalka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta.

Horseed Media