Madaxweyne Xasan oo la kulmay saraakiisha ciidamada cirka ee tababarka ku qaatay Qatar

Published: January 24, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada cirka  dalka Soomaaliya ee ka qalin jabiyay Kulliyadda Al-saciim ee Ciidamada Cirka dalka Qatar.

Madaxweynaha oo dhammaan Saraaakiishan ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddada uu socday tababarku ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey Saciid Cali Cabdilaahi oo magac u soo hoyay Ciidamada Cirka Dalkeenna kaddib markii uu kaalinta 1-aad u galay dhammaan Saraakiishii ka socotay dalalka Qatar iyo Soomaaliya ee tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka.