Madaxweyne Xasan oo Somaliland ugu baaqay in xal aan xabbad ahayn ku wajahdo Laascaanood

Published: December 30, 2022
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Soomaaliland inxal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah bulshada Caasimadda Muqdisho ugu adkeeyey in ay la shaqeeyaan ciidanka oo u heellan fashilinta dhagarta argagixisada, isagoo muujiyey sida uu uga xun yahay jidadka la xiray muddadii uu martida u ahaa dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

Horseed Media