Madaxweyne Xasan Sheekh: “Colaadda gaamurtey ee al-shabaab waan soo afjaraynaa” – DAAWO

Published: August 23, 2022
Shares78
Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbeyn la hadley shacabka Soomaaliyeed, kadib weerarkii Hotel Xayaat maalintii jimacada.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa u badneyd mid uu la hadlaayo shacabka isla markaana uu taageero ka dalbanayo kana fogaadaan la shaqeeyta al-Shabaab.

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh

Khudbadda Madaxweynaha oo socotey shan daqiiqo si toos ah uma soo hadal qaadin weerarkii Hotel Xayaat marka laga reebo in uu tusaale u soo qaatey, tacsina uma dirin dadkii ehelkoodi ku geeriyoodeen.

hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya kadib shirkii guddiga amniga qaranku ay maanta Muqdisho ku yeesheen.

Daawo

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *