Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magacaabay Ra’iisul wasaare cusub ee dalka

Published: June 15, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa magacaabay Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xilka Ra’iisul wasaaraha u magacaabay Xamze Cabdi Barre oo deegaan ahaan kasoo jeeda Jubbaland.

Xamze ayaa sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee dalka, iyada oo lagu soo doortay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Hadal kooban oo uu Madaxweynuhu siiyey warbaahinta ayuu ku sheegay in Xamze uu ku xushay aqoon iyo karti, isaga oo kula dardaarmay inuu ddardargeliyo howlaha horyaalla.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka dalbaday xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *