Madaxweyne Xasan Sheekh oo Aqalka Cad kula kulmay dhigiisa Maraykanka Joe Biden

Published: December 15, 2022
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabad ku qabsoomtay Aqalka Cad ayaa la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab isagoo xusay guulaha ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay ku sugan yihiin Alshabaab.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed.

Horseed Media