Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baarlamaanka hor tegaya oo codsi u jeedinaya

Published: October 30, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda. Cashadan ayaa hordhac u ah kulan Madaxweynuhu doonayo maanta oo khamiis ah ama maalinta sabtida ah in uu khudbad ugu jeediyo Baarlamaanka.

Sida xogtu sheegayso Madaxweynaha ayaa baarlamaanka ka horjeedin doona qodobo ay isla gaareen isaga iyo madaxweynayaasha saddex dowlad goboleed ee shirka ku soo haray kuwaas oo wakhtigoodi doorashada mar hore dhaafey.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh mar kale muddo kordhin isagu lee yahay u sameeyey madaxda dowlad goboleedyada oo horey muddo kordhin loogu sameeyey, doorashada ayaa laga dhigey bisha Nofeembar 2025, si dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah. Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu Baarlamaanka a codsan doono in aysan kalfadhiga xirin oo lagu daro muddo bil ah, sidoo kale ay meel mariyaan sharciga doorashooyinka qof iyo cod, ansixinta guddiga doorashooyinka iyo kan xisbiyada.

Khudbad kooban oo Madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyey baarlamaanka ayuu ku soo qaadey Madaxweynahaasha Puntland iyo Jubaland isaga oo aan magac-dhabin waxaana uu yiri:

“Walaalaheen naga maqan; haddii ay noo ogolaadaan waan u tagayaa, haddii kalena way noo imaanayaan. Wadajir iyo midnimo ayaan rabaa”

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa horey isaga baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran isaga oo diidey muddo kordhin kale oo la sameeyo, taas oo ku tilmaamey mid aan Jubaland dan ugu jirin. Puntland ayaa isaga baxdey shirarka GWQ, sanadkii 2023.

Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in qorshaha Xasan Sheekh ee qof iyo cod aysan suurtagal ahayn, danta keliya ee uu ka leeyahay ay tahay muddo kororsi lamid ah kuwa Dowlad goboleedyada u u sameynaayo in uu ka helo.

HORSEED MEDIA