Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf ku maamuusay Orod-yahan Cabdullaahi Jaamac

Published: April 22, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhiirigalinaya Halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku guuleystay Billadda Qalinka ah ee tartanka orodka 5000 mitir ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika ayaa ku maamuusay Billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu usoo hooyay dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Orodyahan Cabdullaahi sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.

“Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid yahay Xiddigaha usoo iftiimaya Qaranka. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdullaahi gaaridoono hiigsigiisa waqti dhow si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarindoontaa wax kasta oo ay awooddo”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dhiirigalinta iyo taageerada halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreeya middan ugu soo hooyo Qaranka.