Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey doorka Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Published: September 25, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ka qaybgalay martiqaad uu ku maamuusay Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay dalkooda ka xoreynayaan argagixisada, haatanna ay wadaan dagaal naf-hurnimo iyo geesinimo ah oo ka socda deegaannada ay ku sugan yihiin Alshabaab, taasina ay u baahan tahay garab istaag iyo taageero caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ula kulmay, isla markaana dagaalka Al-Shabaab kala hadlay Madaxdii ka qeyb gashay Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Horseed Media