Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fiidnimadii Isniinta gaarey magaalada Berlin ee dalka Jarmalka
Madaxweynaha ayaa martiqaad ka helay Mustashaarka Jarmalka Olaf Scholz.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha kulamo muhiim ah ayuu la qaadan doono Mustashaarka Jarmalka Olaf Scholz iyaga oo ka hada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale.
Waxaa lagu wadaa manta in ay si wadajir ah saxaafadda ula hadlaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ninka uu marida u yahay ee mustashaarka Jarmalka Olaf Scholz, sida ay sheegtey warbaahinta gudaha.
HORSEED MEDIA